Maamulka Galmudug oo dagaal la galay firxadka Shabaab

Image

Ciidamada maamulka  Galmudug oo wehelinayaa kuwa nabad sugidda  Somalia ayaa dagaal la galay mallayshiyaadka katirsan Shabaab ee firxadka u galay deegaanada maamulkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabay ayaa xaqiijiyay dagaalkaasi, wuxuuna tilmaamay inuu kasocdo xuduuda u dhaxaysa deegaanada Garacad iyo Hobyo.

Xaashi oo la hadlay BBC-da, ayaa xusay inay gacanta ku dhigeen Toboneeye katirsan mallayshida halka tiro intaasi kabadan lagu dilay iska hor-imaadka labada dhinac.

Dhinaca ciidamadooda ayuu sheegay inay jiraan dhaawacyo, wuxuuna intaasi raaciyay inay ujeedkoodu yahay qaabkii mallayshiyada firxadka ah looga hor istaagi lahaa inay xeebaha ka raacaan doonyo oo dib ugu laabtaan goobihii ay ka yimaadeen.

Ku-xigeenka Madaxweynaha Galmudug, ayaa intaasi ku daray in goobaha maamulkaasi kaga suganyihiin Shabaab inay kasocdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan, wuxuuna tilmaamay in ciidamadoodu ka hortagayaan isagoo carrabka ku dhintay inay jirto meelo la isku horfadhiyo.

Dagaalkan ayaa yimi xilli mallayshiyadan katirsan Shabaab lagusoo jabiyay dagaallo ay la galeen ciidamada Puntland, waxaana saraakiil katirsan maamulka Galmud xaqiijiyeen shalay in gacanta lagu ku dhawaad 30 ruux oo kooxdasi kamid ah kuwaasi oo firxad kusoo galay magalada Galkacyo qaybteed Koonfureed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM