Dagaal khasaaro dhaliyay oo ka dhacay gobolka Bakool

Image

31 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya tuulooyinka Garasweyne iyo Mooragaabey oo qiyaastii 30 km dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa sheegaya inuu ka dhacay dagaal khasaaro badan dhaliyay oo dhexmaray ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa Ethopia iyo ururka Al-Shabaab.

Weerarka oo dhacay saaka aroortii hore, ayaa waxaa soo qaaday Xarakada Al-Shabaab, iyagoo beegsaday saldhigyo ciidamadu halkaasi ku lahaayeen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, balse Guddoomiyaha Xudur Maxamad Macalim Axmed ayaa BBC-da u sheegay in Shabaabka laga dilay 50 qof ka badan, halka dhinacooda dhinteen seddax askari.

Ma jiraan  ilo madaxbanaan oo lagu kalsoonyahay kuwaasi oo xaqiijinaya sheegashada khasaaraha ee dhinaca dowladda Somalia

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee T129 ATAK oo lagu arkay Hawada Muqdisho   

Warbixintan ayaa timid iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in diyaaradahaasi la wareejiyay.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 06:56AM