​Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia ayaa sheegaya in ciidanka dowladda iyo mallayshiyaad katirsan Al Shabaab ku dagaallameey deegaano katirsan gobolkaas.

Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lagusoo waramayaa inay ka dhasheen dagaalkaasi oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Bud-bud oo u dhow deegaanka Ceel Dheere.

Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay 10 ruux oo isugu jira shacab iyo ciidanka dowladda, halka dhaawacu intaasi ka badanyahay.

Lama oga khasaaraha dhinaca Al Shabaab oo sida la xaqiijiyay weerarka kusoo qaaday saldhig ciidanka dowladda Somalia kulahaayeen halkaasi.

Goob jooge magaciisa qariyay ayaa warsidaha GO u sheegay in dagaalku ku bilowday madaafiic xarakada Al Shabaab kusoo weerareen saldhigaasi oo wararku sheegayaan inay shalay galinkii dambe ka guureen ciidan katirsan AMISOM oo kasocday dalka Ethiopia.

Xaaladda ayaa iminka dagan, balse isku dhaca labada dhinac ayaa qaatay ku dhawaad toban saac, waxaana la isu adeegsaday hubks noocyadiisa kala duwan.

Maaha markii ugu horraysay gobolkaasi weerar Al Shabaab ku qaado saldhigyo ay kusuganyihiin ciidamo katirsan dowladda Federalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM