​Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose

Image

KISMAAYO, Somalia - Dagaal khasaaro gaystay oo uu dhaxeeya ciidamada maamulka Jubbaland, oo kaashanayo Xoolo-dhaqato hubaysan iyo Al shabaab ayaa ka dhacay deegaanno ku dhaw magaalada Kismaayo. 

Dagaalka ayaa billowday markii Xoolo-dhaqato hubaysan iyo ciidanka Jubbaland ay weerareen deegaano ay maamulaan Al shabaab, oo ku yaalla galbeedka magaalada Kismaayo.

Wararka uu GO, ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo ka tirsan labada dhinac ee dagaallamay. 

Saraakiisha Jubbaland ay sheegay in khasaaraha xoogiisa uu gaarey Al shabaab. 

Dagaalka wuxuu ka dambeeyay markii Al shabaab ay Todobaadkii tagey ka qaateen Dad Xoolo dhaqato ah, oo degan galbeedka Kismaayo 1,000 Neef oo Geel ah, iyo Xoolo kale oo badan. 

Dadka Xoolo-dhaqatada oo is-abaabulay, aadna u hubaysan oo kaashanaya ciidamada Jubbaland ayaa billaabay howlgallo ay Al shabaab uga soo furanayaan Xoolahooda.

Al shabaab kama aysan hadlin Dagaalka ka dhacay galbeedka magaalada Kismaayo. 

Kooxdan ayaa lagu eedeeyay inay si qasab ah Shacabka ku nool Deegaanada ay maamusho ka qaataan Xoolo, ay ku sheegaan ZAKO, xilli ay dadka reer guuraaga ahi xoolahooda ku waayeen Abaarta kajirta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM