Dagaal saaka mar kale dib uga bilowdey degmada Guriceel

Image

February 12, 2015 (GO)- Dagaal xooggan ayaa saaka mar kale dib uga qarxey degmada Guriceel ee gobolka Galguduud halkaasoo dagaal shalay ka dhacay 15 qof ku geeriyoodeen in ka badan 20 qof oo kalena ku dhaawacmeen.

Dagaalku wuxuu bilowdey kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalka oo kasoo baxay degmada Dhuuso Mareeb ay Guriceel dhowr jiho kasoo weerareen.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo dagaalka saaka iyo khasaaraha uu geystey maadaama Guriceel iyo deegaanada ku xeeran is-gaarsiintu ka go'an tahay.

Saraakiil u hadlay ciidamada dowladda ayaa hoggaanka Ahlu Sunna ku eedeeyey inay qaadayaan mas'uuliyadda khasaaraha ka dhasha dagaalada ka soconaya Guriceen.

Dhanka kale, mas'uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna ayaa sheegay inay difaacanayaan deegaanadii ay horay ugu sugnaayeen lana dagaalamayaan wax ay ku tilmaameen burcad-badeed iyo mileeshiyo beeleed hubeysan.

Dagaalka saaka dib mar kale Guriceel uga bilowdey ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii mileeshiyaadka Ahlu Sunna degmadaas kala wareegeen ciidamada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM