Dagaal xoogan oo ka soconaya meel 60km Kismaayo u jirta

Image

October 25, 2014 (GO)- Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabab ayaa xiligan ka socda inta u dhaxeysa tuulada Cabdalla Biroole iyo deegaanka Buula-Xaaji. 

Dagaalka ayaa bilowday labo saac kahor kadib markii markii Al-shabab soo weerartay fariisimo ciidamada huwantu ka samaysteen Biroole oo 60 km Kismayo u jirto.

Dagaalka ayaa ka socda dhulka miyiga ee u dhaxeeyo labada tuulo lamana ogaan karo qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka haseyeeshee ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM oo ku wajahan qabsashada Buullo-Xaaji ayuu dagaalka ku qabsaday dhulka miyiga.  Saraakiil ka mida kuwa Jubbaland ayaa sheegaya in diyaaradaha Kenya ay ka caawinayaan dagaalka.   

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Shabaab laga qabsaday mudo ku dhow 24 saacadood dhowr deegan oo ay haysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM