"Daldaloolada uu leeyahay" xeer loo gudbiyey BF oo lasoo bandhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Daldaloolo badan ayaa ku jira Hindise sharciyeedka xeerka Asteynta iyo Daadajinta kuraasta ee todobaadkan loo qaybiyey Golaha Shacabka, sidda uu maanta shaaca ka dhigay xisbi siyaasadeedka Wadajir.

Guddiga loo xil-saarey diyaarinta xeeradka dhammeystirka sharciga lagu muransan yahay ee doorashooyina Qaranka ayaa u gudbiyey xubnaha Aqalka Hoose oo dood dheer kadib lagu waddo in ay cod u qaadaan.

Sidda lagu sheegay bayaana xisbiga Wadajir, daldaloolada uu leeyahay xeerkan waxaa kamid ah; "in uu khilaafsanyahay" dastuurka qabyadda ah "maadaama qabiil lagu saleeyay Asteynta iyo Daadajinta kuraasta".

Sidoo kale, waxaa "ka muuqata diidmo federaalka ah maadaama lagu saleeyay 18-kii gobol ee dowladdii dhexe". Hanaanka awood qeybsiga ee 4.5 waa heshiis siyaasadeed oo ku meelgaar ah "maahan dastuuri".

"Qalalaada kale" ee ku jira xeerka waxaa kamid ah in uu kuraasta qaarkood kasoo raray degaanadii ay metelaada ku lahaayeen "taas oo sababi karta xasilooni darro, khalkhal iyo isku dhac beelaha dhexdooda ah".

Bayaanka ayaa farta ku fiiqay in xeerka uu sidoo kale "dafiray" shacabka Muqdisho oo aan metelaad laga siin Aqalka Hoose, balse caasimada lagu qabanayo doorashada xubnaha gobolada waqooyi ama Somaliland.

"Ujeedka ugu weyn ee xeerkan loo dejiyey waa in loogu daneeyo shakhsiyaad taageero u ah kooxda taladda dalka haysa, qalqalna loogu abuuro dowlad goboleedyadda, lagu dafiro shacabka Muqdisho, lagu abuuro xasilooni darro siyaasadeed oo muddo kororsi doon ah," ayaa la raaciyey.

Ugu dambeyntii, xisbiga ayaa ugu baaqay maamulada iyo saamileyda in ay "si isku mid ah u diidaan xeerkan" isla markaana ay isugu yimaadaan shir wadatashi ah oo looga arrin-sanayo mar-xalada kala guurka iyo doorashadda.

Bayaana xisbiga Wadajir

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM