Dilkii ganacsade Quurow oo dad badan loo soo qabtey

Image

February 18, 2015 (GO)- Ugu yaraan konton qof ayaa loo soo qobtey dilka Xaaji Cumar Maxamed Nuur (Quurow) oo shalay lagu diley degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Badi dadka la xirxirey oo dhallinyaro u badan waxaa laga qabtey xaafadda Hawlwadaag.

Duqa degmada Beledweyn Maxamed Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka la qabqabtey baaritaan baaritaan lagu wado wixii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loogu soo celin doono.

Xaaji Cumar Maxamed Nuur (Quurow) ayaa kamid ahaa ganacsatada sida weyn looga tixgeliyo Beledweyn, wuxuu sidoo kale kamid ahaa waxgaradka gobolka ee nabadda iyo xasiloonida aadka uga shaqeeya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM