Dowlada Federalka & maamulka Jubaland oo kawada hadley Bardhere

Image

21 August,2015 (GO)- Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil "Fartaag" siihayaha xilka madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa wareysi uu siiyey Radio Jubbaland ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey kulamo ay la qaateen wasiirka difaaca xukuumadda Somalia Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo xubno ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Farataag ayaa sheegay in kulamadii laqaateen wasiirka difaaca dowlada Federaalka in ay ka soo baxeen natiijooyin wanaagsan, isla markaana socodkooda uu ku qotomay sidii wax badan uga ogaan lahaayen xaaladda guud ee degmada Baardheere.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu si buuxda u cadeeyey in wafdiga wasiirka dowlada Federaalka, AMISOM iyo Jubbaland ugu dhawaaqeen in si rasmi ah loo furey garoonka diyaaradaha Baardheere oo xirnaa muddo ka badan ilaa 10 sanno.

Waxaa uu sidoo kale Farataag ka hadlay kulamo ay Baardheere kula qaateen wafdigii ka socday Qaramada Midoobey ee dhowaan gaaray magaalada Baardheere.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM