Deegaanka Bursaalax oo beelo lugu heshiisiiyey

Image

January 18, 2015 (GO)- Wafdi ka socda Dawladda Puntland ayaa u tegey tuulada Kala-bayr  oo 5km u jirta degmada Bursaalax sidii ay usoo xallin lahaayeen xurguf soo kala dhex gashay labo beelood oo walaalo ah, kuwaasoo isku qabsaday dhul daaqsimeed.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Farxiyo Yuusuf Bilig oo maanta Radio Garoowe waraysi siisay ayaa ka warbixisay qaabka ay u xalliyeen khilaafka labadaas beelood soo kala dhex galay,  waxayna sheegtay in waxgaradka labada beelood ay la kulmeed mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen: wasiir kuxigeenka wasaarada xanaanada xoolaha, taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug.

''waxaan arinta u qaybinay labo qaybood oo kala ahayd in xalka koowaad laga dhigo in beelaha la kala siiyo mag, sidoo kalena arintii dhulka dib ayaan u dhignay waxaana iyadana la galayaa marka beeluhu arintaan dhamaystaan'' ayey tiri.

Dhanka kale mar ay wasiirad Farxiyo ka hadashay rajada laga qabo in dhib dambe dhulkaa uusan ka dhicin waxay sheegtay in rajadu wanaagsantahay ayna ku faraxsantahay in arintaas lasoo afjaro.

Horay waxaa bursaalax uga dhacay in labo beelood oo kamid ah beelaha halkaa daga ay nin iska dileen, iyadoona Dawladdu damacday inay lasoo wareegto nimankii gacan ku dhiiglayasha ahaa balse ay suuroobi wayday kadib markii deegaanka Cagaaran ee duleedka Gaalkacyo ay isbaaro dhigteen beesha ninka laga dilay taasoo keentay in ragii dib loogu celiyo Bursaalax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM