​DEG DEG: Qarax Gaari oo goor dhaw ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax culus oo dhowr Askari ay ku dhaawacmeen, ayaa maanta oo Isniin ah Duhurkii ka dhacay magaalada Muqdushu, ee caasimada dalka Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qaraxa, kaasi oo uu sheegay inuu ka dhacay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan Suuq Bacaad.

Afhayeenka wuxuu tilmaamay in Qaraxa loo adeegsaday Gaari nooca SURF loo yaqaano, kaasi oo qarxay waxyar kadib markii ciidamada Nabad Sugiddu ay ku joojiyeen barkoontarool oo ku dhaw Suuqa Bacaad.

"Gaariga wuxuu ahaa mid ay ku raad-joogeen Ciidamada Nabad Sugidda Somalia, waxayna ka hortageen inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa," Ayuu yiri Xalane.

Wuxuu intaas ku daray in waxyeello kasoo gaartay 4 qof oo shacab ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu gacan ku dhigeen Darawalka gaariga qarxay, oo watay bastoolad, waxaana la dhigay xabsiga Nabad Sugida ee Godka Jilacow, halkaasoo Su'aalo lagu waydiinayo.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa, balse waxay Saraakiisha ciidamada NISA ku eedeeyeen Ururka Al Shabaab, oo Muqdishu iyo qeybo kamid ah dalka ka fuliya weeraro kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM