Somalia: Ururka Al Shabaab oo laga qabsadey Aadan Yabaal

Image

JOWHAR- Howlgal aan dhiig ku daadan ayaa ciidanka dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa kasocda Ethiopia ee qaybta ka ah AMISOM, waxay maanta dib ula wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha dhexe.

Qabsashada degmadan ayaa timi xilli maalmihii lasoo dhaafay uu socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan, waxaana goobtaasi faarujiyay mallayshiyaadka Shabaab ee horay ugu sugnaa kuwaasi oo lagu soo waramayo inay u dhaqaaqeen xadka u dhaxeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa inay tagantahay, waxaana hadda sugaya ammaanka ciidamada isku dhafka ah, iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ciidamo kasocda dalka Ethiopia cagta dhigaan degmadaasi inkastoo horay u jogeen degmooyin kale oo dalka Somalia kamid ah.

Aadan Yabaal ayaa muddo ku jirtay gacanta ururka Shabaab, waxaana maalmahan ka qaxay dadkii ku sugnaa iyagoo ka cabsi qayb dagallo dhexmaray labada garab.

Dhinaca kale ciidamo Somali iyo Ethiopian isugu jira oo ka soo dhaqaaqay degmada Ceelbuur gobolka Galguduud ayaa dhaq dhaqaaqo ka wada deegaanada dhinaca Xeebta ee Shabeellaha Dhexe, iyagoo ku soo wajahan magaalada Cadalle.

Dadka la socda dhaqadhaqaaqyada ciidamada AMISOM oo horey loogu eedeeyey iney ka gaabiyeen howlgalada dagaal ee laga xoreynayo kooxda Al-Shabaab degaanada ay ka haystaan gobolalada Dhexe iyo Koonfurta Somalia ayaa sheegaya iney weeraradaan sababeen kadib markii Wadamada deeqda lacageed siiya [ USA, EU] ay ku hanjabeen iney lacagahaan jarayaan hadii aan guul laga gaarin dagaalada lagula jiro ururkaan xiriirka la leh Al-Qacida.

Culeyka kale ee ku yimid wadamada ciidamada AMISOM ka joogaan wadanka Somalia ayaa sidoo kale lagu macneeyey kadib markii shacabka Puntland iyo dowladooda maalmo kooban gudahood kaga guuleysteen ciidamo xoogan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kuwasoo kasoo dagey degaano ku yaala xeebaha Badweynta Hindiya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM