Somalia: Ururka Al Shabaab oo laga qabsadey Aadan Yabaal

Image

JOWHAR- Howlgal aan dhiig ku daadan ayaa ciidanka dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa kasocda Ethiopia ee qaybta ka ah AMISOM, waxay maanta dib ula wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha dhexe.

Qabsashada degmadan ayaa timi xilli maalmihii lasoo dhaafay uu socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan, waxaana goobtaasi faarujiyay mallayshiyaadka Shabaab ee horay ugu sugnaa kuwaasi oo lagu soo waramayo inay u dhaqaaqeen xadka u dhaxeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa inay tagantahay, waxaana hadda sugaya ammaanka ciidamada isku dhafka ah, iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ciidamo kasocda dalka Ethiopia cagta dhigaan degmadaasi inkastoo horay u jogeen degmooyin kale oo dalka Somalia kamid ah.

Aadan Yabaal ayaa muddo ku jirtay gacanta ururka Shabaab, waxaana maalmahan ka qaxay dadkii ku sugnaa iyagoo ka cabsi qayb dagallo dhexmaray labada garab.

Dhinaca kale ciidamo Somali iyo Ethiopian isugu jira oo ka soo dhaqaaqay degmada Ceelbuur gobolka Galguduud ayaa dhaq dhaqaaqo ka wada deegaanada dhinaca Xeebta ee Shabeellaha Dhexe, iyagoo ku soo wajahan magaalada Cadalle.

Dadka la socda dhaqadhaqaaqyada ciidamada AMISOM oo horey loogu eedeeyey iney ka gaabiyeen howlgalada dagaal ee laga xoreynayo kooxda Al-Shabaab degaanada ay ka haystaan gobolalada Dhexe iyo Koonfurta Somalia ayaa sheegaya iney weeraradaan sababeen kadib markii Wadamada deeqda lacageed siiya [ USA, EU] ay ku hanjabeen iney lacagahaan jarayaan hadii aan guul laga gaarin dagaalada lagula jiro ururkaan xiriirka la leh Al-Qacida.

Culeyka kale ee ku yimid wadamada ciidamada AMISOM ka joogaan wadanka Somalia ayaa sidoo kale lagu macneeyey kadib markii shacabka Puntland iyo dowladooda maalmo kooban gudahood kaga guuleysteen ciidamo xoogan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kuwasoo kasoo dagey degaano ku yaala xeebaha Badweynta Hindiya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM