​Degmada Tiyeglow oo gacanta dowladda kusoo noqotay

Image

TIYEGLOW, Somalia- Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo ay taageerayaan kuwa dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta oo Isniin ah dib ula wareegay degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool.

Sarkaal katirsan maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay ciidamada huwanta ah Dagaal la'aan ku qabsadeen xaruntaasi kadib markii Al shabaab isaga baxeen.

Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa Shalay qabsaday deegaanka Ceel-Garas oo ku dhaw degmada Tiyeglow, halkaasi oo mudo 20 Maalmood ah maamulaysay Al shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay mallayshiyadan ka saari doonto dhammaan deegaanada ay dib u qabsadeen, sidoo kalena buuxin doonto goobaha ay ka baxayaan ciidamada dowladda Ethiopia.

Al shabaab ayaa dib u qabsatay dhowr deegaan oo ku yaalla gobolada Galgaduud, Bakool, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Baay ee Koonfurta dalka Somalia, markii ay ka baxeen ciidamada AMISOM oo awal maamulayay

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM