DF oo lacag dul dhigtay hogaamiyaha Al-shabab

Image

Sept 27, 2014 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lacag dhan labo milyan oo doolar u balan qaaday ciddii gacan ka geysta dilka ama in isaga oo nool lasoo qabto hogaamiyaha cusub ee Ururka Al-shabab Axmed Cumar Abu-Cubeyda.

Taliyaha dhowaanta loosoo magacaabay Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee Dowladda Federaalka C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare ayaa arrintan shaaciyey, isagoo xusay in dowladda ay ka go'an tahay inay qaado talaabo kasta oo lagu wiiqi karo awoodda Al-shabab.

Qofkii keena xog sahlaysa in la dilo hogaamiyaha Al-shabab wuxuu taliyuhu sheegay in lasiin doono hal milyan oo doolar, sidoo kale qofkii keena xog Dowladda Federaalka ka caawin karta in ninkaas isagoo nool gacanta lagu dhigana lasiin doono labo milyan oo doolar.

Bishan September horraanteedii waxaa duqeyn ay geysteen diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka lagu diley Axmed Cabdi Godane oo lixdii sano ee ugu dambeeyey ahaa hoggaamiyaha Al-shabab.

Godane oo horay Maraykanku madaxiisa u dul dhigay aduun lacageed o ogaaraya todoba milyan, waxaa dilkiisa iska kaashaday Maraykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM