DF oo lacag dul dhigtay hogaamiyaha Al-shabab

Image

Sept 27, 2014 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lacag dhan labo milyan oo doolar u balan qaaday ciddii gacan ka geysta dilka ama in isaga oo nool lasoo qabto hogaamiyaha cusub ee Ururka Al-shabab Axmed Cumar Abu-Cubeyda.

Taliyaha dhowaanta loosoo magacaabay Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee Dowladda Federaalka C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare ayaa arrintan shaaciyey, isagoo xusay in dowladda ay ka go'an tahay inay qaado talaabo kasta oo lagu wiiqi karo awoodda Al-shabab.

Qofkii keena xog sahlaysa in la dilo hogaamiyaha Al-shabab wuxuu taliyuhu sheegay in lasiin doono hal milyan oo doolar, sidoo kale qofkii keena xog Dowladda Federaalka ka caawin karta in ninkaas isagoo nool gacanta lagu dhigana lasiin doono labo milyan oo doolar.

Bishan September horraanteedii waxaa duqeyn ay geysteen diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka lagu diley Axmed Cabdi Godane oo lixdii sano ee ugu dambeeyey ahaa hoggaamiyaha Al-shabab.

Godane oo horay Maraykanku madaxiisa u dul dhigay aduun lacageed o ogaaraya todoba milyan, waxaa dilkiisa iska kaashaday Maraykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM