Dhageyso: Khudbad madaxweynaha Jubbaland doorashdiisa kadib

Image

15 August, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbad kooban jeediyay ka dib markii mar kale maanta loo doortay Madaxweynaha maamulkaas.

Mudane Axmed Maxamed Islaam oo sheegay inuu khudbadiisa dib ugu dhigtay waqtiga caleemo saarka ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay xubnaha ka socda dowladda Federaalka, beesha caalamka iyo marti sharafta ka qayb gashay doorashadda Jubbaland.

Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay dhamaan golaha Baarlamanka Jubbaland wuxuuna sheegay in Jubbaland ay ku dhisan tahay dib-u-heshiisiin waxaana uu xusay in gogosha Soomaaliyeed ay taalo Kismaayo.

‘’Horay ayaan waxaan u iri Kismaayo ninkasta oo Soomaaliyeed oo yimaada marti kuma noqonayo, saa-qaraabuu magaalada ka helayaa’’ ayuu yiri Axmed Madoobe.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta mar kale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland,waxaana hambalyadii ugu horaysay u diray Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM