​Dhalinyaro lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdishu

Image

MUQDISHU- Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia Jen. Cabdullaahi Gaafoow ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen 11 dhalinyaro Somaliyeed kuwaasi oo qorshaynayay inay u dhoofaan dalka Masar si ay uga sii tahriibaan.

Dhalinyaradan ayaa kusii jeeday dalka Kenya oo laanta Socdaalka Somalia tilmaamay inay uga sii safri lahaayeen dhinaca Masar, madaama ay wateen fiisooyinka dalkaasi.

Gaafow ayaa xasay in dhalinyaradan lagu wareejiyeen laanta dambi baarista dowladda ee CID, si loo xaqiijiyo socdaalkooda waxa uu la xiriiro.

“Waxaa saakay qabanay 11 dhallinyaro ah waxa ay rabeen in ay kabaxaan garoonka aadan cadde kadibna dalka Kenya ay ka sii tahriibaan oo ay naftooda qatar galiyaan, hoggaankana arrintaan xil ayaa ka saaran mana ogolaan doono in dad tahriib u socda ay garoonka ka dhoofaan,” Ayuu yiri Gaafoow.

Qabashadan dhalinyarada ayaa kusoo beegantahay xilli lasoo saaray amarro adag oo lagu joojinayo qulqulka dhalinyarada islamarkaana lagu bur-burinayo shabakadaha wax tahriibiya, maadama todobaadkan dhalinyaro kor u dhaafaysa 200 Somalia ah ku dhinteen badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Masar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM