Dhegeysiga dacwada wariyeyaasha oo mar kale dib loo dhigey

Image

February 15, 2015 (GO)- Waxaa maanta mar labaad dib loo dhigey dhegeysiga dacwad ka dhan ah saddex wariye oo ka tirsan idaacadaha Shabeele iyo Sky FM ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Wariyeyaasha tiradoodu waa saddex waxayn kala yihiin mulkiilaha idaacadda Shabeele Maxamed Muuse, Agaasimiha Idaacada Sky FM Maxamuud Carab iyo Maxamed Bashiir oo ah Tifatirihii Shabelle.

Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa diidey inuu furo dacwada isagoo ku doodey in eedda xeer ilaalintu tahay mid aan dhameystirneyn sidaas darteed dacwada dib loo dhigey ilaa kowda bisha soo socota ee March.

Cabdikariim Maxamed Soomaali oo ah qareenka u doodaya wariyeyaasha ayaa ku tilmaamay go'aanka maxkamada mid sharci darro ah maadaama ay khalad tahay in qof aan dembi lagu helin eedeyn dhameystiranna loo soo jeedin muddo 45 maalmood ka badan xabsiga lagu hayo.

Soomaali ayaa sidoo kale sheegay in xariga wariyeyaashu yahay mid ujeedooyin siyaasadeed ka dambeeyaan.

Dhegeysiga dacwada ayaa sidan oo kale u baaqdey bishii hore ee January, markaasoo qareenkii u doodayey wariyeyaashu maxkamadda soo xaadiri waayey.

Bishii August ee sanadkii hore ayaa xabsiga loo taxaabay Maxamed Muuse, Maxamuud Carab iyo Maxamed Bashiir, kadib markii lagu soo eedeeyey inay baahiyeen warar been abuur ah oo liddi ku ah ammaanka iyo xasiloonida.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM