Dhegeysiga dacwada wariyeyaasha oo mar kale dib loo dhigey

Image

February 15, 2015 (GO)- Waxaa maanta mar labaad dib loo dhigey dhegeysiga dacwad ka dhan ah saddex wariye oo ka tirsan idaacadaha Shabeele iyo Sky FM ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Wariyeyaasha tiradoodu waa saddex waxayn kala yihiin mulkiilaha idaacadda Shabeele Maxamed Muuse, Agaasimiha Idaacada Sky FM Maxamuud Carab iyo Maxamed Bashiir oo ah Tifatirihii Shabelle.

Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa diidey inuu furo dacwada isagoo ku doodey in eedda xeer ilaalintu tahay mid aan dhameystirneyn sidaas darteed dacwada dib loo dhigey ilaa kowda bisha soo socota ee March.

Cabdikariim Maxamed Soomaali oo ah qareenka u doodaya wariyeyaasha ayaa ku tilmaamay go'aanka maxkamada mid sharci darro ah maadaama ay khalad tahay in qof aan dembi lagu helin eedeyn dhameystiranna loo soo jeedin muddo 45 maalmood ka badan xabsiga lagu hayo.

Soomaali ayaa sidoo kale sheegay in xariga wariyeyaashu yahay mid ujeedooyin siyaasadeed ka dambeeyaan.

Dhegeysiga dacwada ayaa sidan oo kale u baaqdey bishii hore ee January, markaasoo qareenkii u doodayey wariyeyaashu maxkamadda soo xaadiri waayey.

Bishii August ee sanadkii hore ayaa xabsiga loo taxaabay Maxamed Muuse, Maxamuud Carab iyo Maxamed Bashiir, kadib markii lagu soo eedeeyey inay baahiyeen warar been abuur ah oo liddi ku ah ammaanka iyo xasiloonida.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM