Dhinacyo ka tirsan Shabaab oo ku dagaallamay gobolka Jubbada Hoose

Image

21 November, 2015(GO)-Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama gobolka Jubbada Hoose dalka Somalia, ayaa maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Xagare oo 180km dhinaca kale Waqooyi ka xigta magalada Kismayo.

Labada garab ee dagaalku dhexmaray ku kala aragti duwanaa labo sarkaal oo horey Al-Shabaab uga tirsanaan jiray, kuwaasi oo la xiray kadib markii looga shakiyay inay ku biireen Daacish.

Xaaladda deegaanka iska hor-imaadku ka dhacay ayaa kacsan, lama sheegi karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, balse dadka deegaanka ayaa cabsi ka qaba inuu dhaco dagaal kale oo dhexmara garabyada maanta dagaallamay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dagaal sababay dhimashada 9 qof deegaanka Saakow ku dhexmaray labo garab oo ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo xubno taabacsan Daacish.

Dhawaanahan waxaa soo baxayay khilaaf xoog leh oo kala dhexgalay ururka Al-Shabaab kadib markii qaar ka mid ah xubnaha ururka shaaciyeen inay ku biireen kooxda Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM