Dib u dhac ku imaanaya shirka madaxda Somaliya, IGAD oo Muqdishu ku kulmeysa

Image

MUQDISHU, Somaliya- Madaxda Somalida oo wayadii ugu dambeysay kulamo ka yeelanyey arimaha doorashooyinka Somaliya ayaa la filayey in bisha soo socota ee September 7,2016 kulan ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdishu dib u dhac ku yimaado madaama halkaas isugu imaanayaan madaxda dowladaha IGAD.

Madaxda dowladaha ku bahoobey urur goboleedka IGAD ayaa la filayaa in bisha September 7,2016 shir sanadeedkooda ku yeeshaan magaalada Muqdishu taasoo sababtey in dib u dhac ku yimaado kulankii madaxda maamulada Somaliya iyo dowlada Federaalka dib u dhac ku yimaado. 

Ma jirto weli wax war ah oo weli kasoo baxey dowlada Federaalka Somalia ee ku aadan dib u dhaca kulanka madaxda Somalida taasoo saameyn ku yeelan doonta Jadwalka doorasho ee horey loo dajiyey. Jadwalka doorasho ee cusub ayaa sababey in doorashada Somaliya dib u dhacdo tan iyo bisha October 30, 2016. 

Kulanka madaxda dowladaha ku midoobey urur goboleedka IGAD ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa sadex cisho ka hor inta uusan dhicin waqtigii la doortey Madaxweynaha dowlada Federaalka Somaliya kaasoo ku eg Sept 10,2016.

Madaxda maamulada gobolada ayaa kulankoodii ugu dambeeyey kororsiimo ugu sameeyey Madaxweyne Xasan Shiikh kaasoo waqtigiisu ku ekaa Sept 10, 2016 kadib markii golihisa fulinta ku guuldreysteen in ilaaliyaan waftiga doorasho ee Somaliya kaasoo ah qodob Dastuuri ah in 4-tii sano mar la qabto.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland dib uga dhaco kulanka Muqdishu ee madaxda Somalida kasoo laga dhigey Sept 10,2016 madaama uu ku wajahan yahay sida laga soo xigtey xubno xafiiskiisa ka tirsan gudashada Xajka. 

Madaxweyne Gaas ayaa oo hadda safar ugu maqan dalka Turkiga ayaa wararku sheegayaan in dalka Jabuuti ka sii aadi doono Boqortooyada Sucuudiga halkasoo ka qayb gali doono gudashada Xajka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM