Dib u dhac ku imaanaya shirka madaxda Somaliya, IGAD oo Muqdishu ku kulmeysa

Image

MUQDISHU, Somaliya- Madaxda Somalida oo wayadii ugu dambeysay kulamo ka yeelanyey arimaha doorashooyinka Somaliya ayaa la filayey in bisha soo socota ee September 7,2016 kulan ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdishu dib u dhac ku yimaado madaama halkaas isugu imaanayaan madaxda dowladaha IGAD.

Madaxda dowladaha ku bahoobey urur goboleedka IGAD ayaa la filayaa in bisha September 7,2016 shir sanadeedkooda ku yeeshaan magaalada Muqdishu taasoo sababtey in dib u dhac ku yimaado kulankii madaxda maamulada Somaliya iyo dowlada Federaalka dib u dhac ku yimaado. 

Ma jirto weli wax war ah oo weli kasoo baxey dowlada Federaalka Somalia ee ku aadan dib u dhaca kulanka madaxda Somalida taasoo saameyn ku yeelan doonta Jadwalka doorasho ee horey loo dajiyey. Jadwalka doorasho ee cusub ayaa sababey in doorashada Somaliya dib u dhacdo tan iyo bisha October 30, 2016. 

Kulanka madaxda dowladaha ku midoobey urur goboleedka IGAD ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa sadex cisho ka hor inta uusan dhicin waqtigii la doortey Madaxweynaha dowlada Federaalka Somaliya kaasoo ku eg Sept 10,2016.

Madaxda maamulada gobolada ayaa kulankoodii ugu dambeeyey kororsiimo ugu sameeyey Madaxweyne Xasan Shiikh kaasoo waqtigiisu ku ekaa Sept 10, 2016 kadib markii golihisa fulinta ku guuldreysteen in ilaaliyaan waftiga doorasho ee Somaliya kaasoo ah qodob Dastuuri ah in 4-tii sano mar la qabto.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland dib uga dhaco kulanka Muqdishu ee madaxda Somalida kasoo laga dhigey Sept 10,2016 madaama uu ku wajahan yahay sida laga soo xigtey xubno xafiiskiisa ka tirsan gudashada Xajka. 

Madaxweyne Gaas ayaa oo hadda safar ugu maqan dalka Turkiga ayaa wararku sheegayaan in dalka Jabuuti ka sii aadi doono Boqortooyada Sucuudiga halkasoo ka qayb gali doono gudashada Xajka.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM