Dib u dhac ku yimid shirkii maamul u sameynta gobolada dhexe

Image

CADAADO, April 11,2015 ( GO)- Shirkii la filayey inuu maanta ka furmo magaalada Cadaado ayaa wararka ka imaanaya sheegayaan inuu dib u dhac ku yimid ilaa maalinta Talaadada 17 April,2015.

Wararka ka imaanaya Cadaado ayaa tibaaxaya in dib u dhacaan uu sababey arrimo farsamo maalmo kadib markii madaxweynaha dowlada Federalka ah Dhuuso mareeb kaga dhawaaqey in shirkaani furmi doono 11 April,2015.

Magaalada Cadaado ayaa dhinaca kale waxaa Khamiistii 'April 5,2015' la soo dhaafey gaarey ciidamo ka socda dalka Ethiopia kuwaasoo ilaalin doona amniga kulanka lagu dhisayo maamulkaas.

Talaabada ciidamada Ethiopia ayaa timi maalin kadib markii madaxweynaha Somalia Dhuuso Mareeb kaga dhawaaqey in shirka lagu qbaan doono Cadaado iyadoo horey maleeshiyaadka ururka Ahlu sunah isu- hortaageen ciidamo ka socda wadanka Jabuti kuwasoo damacsanaa iney madaxsha shirka amaankeeda sugaan.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda sidoo kale shirar loogu diyaargaroobayo kulankaan halka maamulayaasha degaankaas ka biyo diideen go'aankii madaxweyne Xasan Shiikh uu ka sheegey Dhuuso Mareeb.

Maamulayaasha magaalada Cadaado ayaa wararku sheegayaan in diidamadooda ah in magaalo madaxda maamul goboleedka noqoto Dhuuso Mareeb geyn doonaan shirweynaha la filayo inuu dhowaan furmo.

Kulamada gooni gooninda ah iyo wufuuda ka qayb galeysa shirkaan ayaa la filayaa iney soo dhamaadaan ilaa maalinta Talaadada ah ee soo socota.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Sheegay Guulo Laga Gaaray Dagaalka Al-Shabaab kadib weerarkii Godka Jilicow

Inkasta oo Wasiir Fiqi uu sawiray sawir rajo leh, haddana mucaaradka siyaasadeed ayaa hakiyay dibadbax ay qorsheynayeen.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 06:11AM

Jubaland oo si kulul u cambaareysay faragelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo

Xaaladda gobolka Gedo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafaadka u dhexeeya Jubaland iyo Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-10-2025

  • 08:32AM