Dibad-baxyo dhaawac sababay oo Baladweyne ka dhacay

Image

BALADWEYNE-Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhaawacmay dibad-baxyo ka dhan ah wafdiga madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh oo maanta ka dhacay magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Banaan-baxayaasha ayaa kasoo horjeeda qaabka dowladda Somalia u raadinayso xalka ku aadan khilaafka hareeyay shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Boqolaal qof oo isugu soo baxay xarunta gobolkaasi ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah wafdiga dowladda dhexe ee Somalia.

Rasaas la tuhunsanyahay inay fureen ciidamada amniga magalada Baladweyne ayaa sababtay dhaawaca saddex ruux oo dadka isu soo baxay kamid ah.

Agaasimaha Guud ee cusbitalka xarunta gobolka Hiiran ayaa xaqiijiyay dhawaca shacabka soo gaaray, wuxuuna sidoo kale saadaaliyay inay jiri karaan dad kale oo qaba dhaawacyo.

Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa inay haatan dagantahay, balse waxaa taagan xiisaddii ka dhalatay xal raadinta dowladda Somalia.

Shalay 25 Febrayo, ayay ahayd markii maglada Baladweyne gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somalia oo rajo ka qabay qancinta beelaha ka cabanaya habka loo maray shirka maamul u samaynta labada gobol.

Ra'isal wasare Cumar Cabdirashiid oo ka horeyay madaxweynaha Somalia, ayaa guul darro kala soo laabtay kulamo uu la qaatay waxgaradka Hiiraan, waxayna soo jeediyeen qodobo dhawr ah oo kamid tahay in dowladda Somalia ku dhawaaqdo shir dib u hishiisiin ah oo ka dhaca Baladweyne.

Lama saadaalin karo halka uu ku dhammaanayo khilaafka ka dhashay maamulkaasi oo dowladda dhexe oo doonayso in durba la unko si uu qayb uga noqdo maamullada ka qayb galaya doorashada dalka Somalia sannadkan ka dhacaysa.

Maaha khilaafkii ugu horeeyay ee ka dhasha shir ay hogaaminayso dowladda Somalia kaasi oo lagu dhisayo maamul cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM