Dibadbax rabshad wata oo Burco ka dhacay iyo mas'uuliyiin la xirxirey

Image

May 11, 2015 (GO)- Dibadbax rabshad wata ayaa ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer saacado kaddib markii Golaha Guurtida Somaliland waqtiga u kordhiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Bannaanbaxan oo Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ku dhawaaqey, wuxuu markii hore ku bilowdey si nabad ah inkastoo muddo kooban kaddib uu isu bedeley dibadbax fawdo wato.

 

Boqollaal dadweyne ah oo careysan ayaa xirey qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah iyagoo gubayey shaagag islamarkaana dhagxaan waaweyn iyo dhalooyin kusoo daadiyey jidadka.

Booliska ayaa xoog kala hortegey dibadbaxeyaasha, waxaana la maqlayey rasaas goos goos ah oo ciidamadu cirka u ridayeen.

Ilaa iyo hadda lama soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay rabshadda Burco ka dhacday.

Xaruntii xisbiga Wadani ee Burco oo la xirey iyo mas'uuliyiin xabsiga loo taxaabay:

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU ayaa xoog ku galay xarunta xisbiga Wadani ee magaalada Burco, waxayna halkaas ka kaxeysteen qaar kamid ah mas'uuliyiintii xabsiga iyo shaqaalihii kale ee goobta ka hawlgelayey.

Sidoo kale magaalada Hargeysa waxaa lagu xirey mas'uuliyiin kale oo ka tirsan hoggaanka xisbiga Wadani.

Guddi ka kooban 30 xubnood oo Golaha Guurtida  dhexdiisa laga xuley ayaa soo saarey go'aamo dhowr ah, go'aamadaas oo isla maanta cod aqlabiyad leh lagu meel mariyey waxaa ugu muhiimsan in sanad iyo toban bilood loogu daray muddo xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM