Dibadbax Shiriif Xasan lagu taageerayey oo Baydhabo ka dhacay

Image
Image
Image

November 20, 2014 (GO)- Dibadbax lagu taageerayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta ka dhacay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Boqollaal dadweyne ah oo sitey boorar ereyo soo dhoweyn iyo bogaadin isugu jiraa ku qoran yihiin ayaa socod ku maray jidadka muhiimka ah ee degmada iyagoo markii dambena isugu soo ururay garoonka kubadda cagta.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bay, waxgarad iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa goobta ka hadlay waxayna dhamaantood cadeeyeen sida ay ugu riyaaqsan yihiin qaabkii doorashadu ku dhacday iyo weliba in Shiriif Xasan madaxweyne loo doortay.

Dhanka kale waxaa maanta si weyn loo adkeeyey ammaanka degmada Baydhabo waxaana goobaha muhiimka ah lagu arkayey ciidamada AMISOM iyo booliska degmada oo baarayey dadka iyo gaadiidka labadaba.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay oo Arbaco ahayd soo dhoweeyey dhismaha maamulka Koonfur Galbeed isagoo hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweyne Shiriif.

Si taas lamid ah waxaa doorashada iyo natiijadii kasoo baxdayba usoo dhoweeyey Dowladda Maraykanka, IGAD iyo; madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM