Dibadbax Shiriif Xasan lagu taageerayey oo Baydhabo ka dhacay

Image
Image
Image

November 20, 2014 (GO)- Dibadbax lagu taageerayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta ka dhacay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Boqollaal dadweyne ah oo sitey boorar ereyo soo dhoweyn iyo bogaadin isugu jiraa ku qoran yihiin ayaa socod ku maray jidadka muhiimka ah ee degmada iyagoo markii dambena isugu soo ururay garoonka kubadda cagta.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bay, waxgarad iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa goobta ka hadlay waxayna dhamaantood cadeeyeen sida ay ugu riyaaqsan yihiin qaabkii doorashadu ku dhacday iyo weliba in Shiriif Xasan madaxweyne loo doortay.

Dhanka kale waxaa maanta si weyn loo adkeeyey ammaanka degmada Baydhabo waxaana goobaha muhiimka ah lagu arkayey ciidamada AMISOM iyo booliska degmada oo baarayey dadka iyo gaadiidka labadaba.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay oo Arbaco ahayd soo dhoweeyey dhismaha maamulka Koonfur Galbeed isagoo hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweyne Shiriif.

Si taas lamid ah waxaa doorashada iyo natiijadii kasoo baxdayba usoo dhoweeyey Dowladda Maraykanka, IGAD iyo; madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM