Digniinaha la xiriira doorashooyinka ee loo dirayo DF oo isa soo taraya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli waddanka uu cagaha la galay mar-xalad kala guur ah, digniinaha la xiriira doorashada ee ka imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka loona dirayo dowladda Soomaaliya ayaa isa soo taraya.

Waa dhaqan soo jireen ah in marka la gaaro mar-xaladan ay badato is-eedeynta iyo dhaliisha, balse Taabit Cabdi Maxamed ayaa rumeysan "in looga gudbi karo dabeecad qaran iyo danta guud oo loo tanaasulo".

"Marxaladda kala-guurka ah waa ineysan noqon mid abuurta naceyb, fowdo iyo is eedeyn. Waa xilli u baahan in qof walba uu xaqiiqada la fal-galo. Waa waqtiga ugu xasaasisan, waxaana looga gudbi kara dabeecad qaran iyo danta guud oo loo tanaasulo," ayuu gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaanna duqii Muqdisho uu kusoo qoray bartiisa Facebook.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Awoodda Shacabka ayaa soo dhaweeyay qoraaladii kasoo baxay Aqalka Sarre, jawaabta ay ka bixiyeen maamul goboleedyadda iyo taageerada Mareykanka.

Madaxda xukuumadda federaalka ah oo digniin culus uu u diray ayuu xusuusiyey "in aysan abuurin jawi dhiisha lagu wadda cugo".

"Qoraalladii Aqalka Sare, Dowlad Gobolleedyada qaarkood iyo Safaaradda Mareykanka waxey bidhaamiyeen baahida loo qabo wadahadal. Dowladda Federaalka ah waxaa hortaal iney waaqici noqoto, tallooyinka dhageysato oo aysan abuurin jawi dhiisha lagu wada cugo," ayuu xusay.

Siyaasiga oo sii hadlaya ayaa ugu baaqay madaxda hay'adda fulinta in ay albaabadda u furaan wadahadalo laga yeesho coddeynta.

"Awrka raran usha u dambeysa baa dhabarka ka jebisa ee tan hore ma’ahan, Dowlad walbana xilliga u dambeeya ayay is-furataa ama rarku ka furtaa," ayuu hoosta ka xariiqay, isagoo xoojinaya wadatashiga.

Taabit ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo gunaanuaday: "Shacabka Soomaaliyeed waxaa isu dulsaaran qalin iyo buug, waxeyna diiwaanka ku qori doonaan siyaasi walba oo majaxaabiya rajada Qaranka iyo fursadooda ka qeyb noqoshada hayaanka dowladnimo loo dhanyahay, sidaa darteed waa in aan hubinaa hadalkeena iyo ficilkeena, oo aanan dhiilo xun abuurin".

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la geliyey shaki sabab la xiriirta "diyaar-garow la'aan ka jirta amniga, shuruucda, dastuurka iyo khatarta Al-Shabaab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamo Lagu Gorfeeyay Arrimaha Siyaasadda iyo Dastuurka oo ka dhacay Villa Somalia

Madaxweynaha ayaa dhinaciisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-07-2025

  • 11:38AM

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM