Dilal shacab loogu gaystay Muqdishu

Image

MUQDISHU- Weeraro kala duwan ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay magalada Muqdishu xarunta Somalia, waxaana lagu beegsaday haween gaaraya saddex labo kamid ah geeriyoodeen halka mid kale soo gaaray dhaawac halis ah.

Kooxo bastoolado ku hubaysan ayaa saaka weerar ka gaystay degmada Dharkaynlay ee gobolka Banaadir, waxayna ku qaadeen labo gabdhood oo walaalo ah, midkood goobta ayay ku dhimatay halka tan kale soo gaaray dhaawac halis.

Lama garanayo sababta loo dilay hablahaasi oo da'dooda lagu qiyaasay 16-18 iyo kooxaha dilka gaystay, balse waxaa weeraradan ku caan ah ururka Shabaab.

Gabdhaahan ayaa lagu kala magacaabaa Fowsiyo Jamaac Xasan oo aheyd hooyo haysta 3 caruur waxayna ku naf-baxday goobta lagu weeraray, halka  shankaroon Jamaal Xasan uu soo gaaray dhaawac, iyo sidoo kale wadihii waday mootada ay saarnaayeen.

Dhanka kale dablay hubeysan  ayaa xalay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay  Haweeney 80 Sano jir ah oo lagu magacaabi jiray Cibaado Cabdi Maxamed,waxayna ka mid aheyd  ururka haweenka waaxda October.

Goobaha dilalkaasi ka dhaceen waxaa gaaray ciidamo dowladda katirsan kuwaasi oo wada baaritaano kala duwan oo lagu ogaanayo shakhsiyaadka toogashada sameeyay.

Mudooyinkii dambe waxaa magalada Muqdishu caasumadda Somalia kusoo badanayay weerarada qorsheysan ee lala beegsanayo shacabka Somaliyeed iyo mas'uuliyiinta xilalka haya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM