Diyaarad drone-ka Maraykan oo weerartay al-Shabab

Image

Maraykanka ayaa sheegay in uu fuliyay weerar cirka ah oo ay loo adeegsaday diyaaradaha meelaha fog laga hago ee drones-ka.

Weerarka ayaa xarunta Pentagon-ka ee Maraykanku u cadaysay BBC in ay ku qaadday xarun tababar oo ku taalla Soomaaliya. 

Waxaa Maraykanku sheegay in uu rumaysan yahay in lagu dilay in ka badan 150 ka tirsan dagaalamayaasha al-Shabab, waa sida Pentagon-ka uu sheegay. 

Xarunta gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon waxay sheegtay in weerarku uu dhacay maalintii Sabtida, uuna bartilmaameedku ahaa xero tababar oo ku taalla caasimadda Muqdisho.

Waxaa Maraykanku sheegay in dagaalamayaasha al-Shabaab ay diyaarinayeen weerar xoog leh. Wax jawaab ah oo hadda laga hayo ma jirto xarakada al-Shabab.

BBC

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM