Diyaarad kadis ugu dagtay magalada Muqdishu

Image
Image

MUQDISHU- Wararka ka imaanaya magalada Muqdishu xarunta Somalia ayaa sheegaya in diyaaradda Daalo Airline joojisay duulimaad ay ugu jeeday dalka Jabuti iyadoo ka duushay magalada Muqdishu xarunta Somalia.

Diyaaradda oo qaadar dhan shan daqiiqo hawada ku jirtay ayaa soo laabtay kadib markii sida lasoo warinayo cillad soo foodsaartay, waxaana ku dhaawacmay labo ruux. Ilaa hadda lama caddayn cillada dhaqsaha u soo dajisay Daalo Airline, balse sawirro laga soo qaaday markay timi garoonka Aadan Cadde ayaa muujinaya burbur aan baahsanayn oo diyaaradda qayb ka mid ah ka muuqda.

Ilaa hadda majirto cid faahfaahin kabixisay tirada rakaabka saarnaa iyo dhaawaca soo gaaray qaar kamid ah dadkii lasocday diyaaradda ciladowday. 

Daalo Airline ayaa kamid ah diyaarada duulimaadyada kasameeyay Somalia, waxaana arrintani kusoo beegmaysaa xilli sannadkii hore waqti isku dhaw dhaw diyaaraddu kusoo dhaceen nawaaxiga magalada Muqdishu. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM