Diyaarad khamri siddey oo garoonka Muqdisho lagu qabtey

Image

February 25, 2015 (GO)- Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtey diyaarad siddey shixnad khamri ah.

Taliyaha hoggaanka ilaalada Canshuuraha iyo Dhaqaalaha ee Booliska Dowladda Federaalka Cabdullaahi Xasan Bariise oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey khamrigan iyo qaabkii lagu qabtey.

Bariise wuxuu sheegay in khamriga oo kartoonno lagu soo cabbeeyey  tira ahaana gaaraya 25,416 la doonayey in si qarsoodi ah magaalada Muqdisho loo soo geleyo.

Taliyuhu faah faahin kama bixin cidda iska leh maandooriyaha gacanta lagu dhigey iyo weliba halka laga keenay.

October 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale dekedda magaalada Muqdisho loogu qabtey labo konteenar oo khamri ah.

Khamriga ugu badan ee Soomaaliya soo gala wuxuu ka yimaadaa dalalka deriska gaar ahaan wadamada Kenya iyo Ethiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM