Diyaarad waday rakaab ajnabi ah oo ku dhacday nawaaxiga Muqdishu

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Diyaarad waday lix ruux oo ajnabi ayaa si lama filaan ah caawa fiidkii hore ugu dhacday deegaanka Lafoole oo u dhaxeeya Afgooye iyo Muqdishu.

Wararka ayaa sheegay in diyaaradani ku dagi wayday garoonka diyaaradaha Muqdishu, waxaana muddo ku dhaw hal saac dul hee-haabaysay hawada.

Dhammaan shaqaalaha saarnaa ayaa la sheegay inay badqabaan marka laga reebo qof soo gaaray dhaawac.

Lama oga cidda iska leh diyaaradan iyo halka ay u socotay waxaana ka soo baxaya warar iskhilaafan oo qaybtood sheegayaan in laga leeyahay dalka Masar isla markaana alaab u waday ciidamada nabad ilaalinta Somalia u jooga ee AMISOM.

Ilaa hadda diyaaradan oo ku dagtay afaafka hore xarun ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaankasi, kama hadlin xukuumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM