Diyaarad xamuul oo mar kale Somalia ku soo dhacday

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanay Koonfurta Somalia ayaa sheegay inay soo dhacday diyaar xamuul nawaaxiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, oo 30 KM u jirta galbeedka Muqdishu.

Afhayeenka maamulka gobolkaasi oo la hadlay warbaahinta gudaha aya sheegay in diyaaradaasi dhacday xilli ay da'ayeen Roobab dabaylo wata, balse lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambaysay dhicitaankeeda.

Dadka ku nool xaafadda Cusmaan Durre ayaa VOA u sheegay in diyaaradda ay kusoo dhacday halkaas. Waxa ay intaas ku dareen in deegaanka ay maamulaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika, ayaa wararku sheegayaan inay u jiheystay goobta falkaasi ka dhacay, oo u dhow degmada Afgooye, hase yeeshee Roobab xooggan ayaa caqabad ku ah sida uu sheegay Gudoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose.

Dhawaan ayay ahayd markii diyaarad la socdeen lix ruux ku dhacday nawaxiga Muqdishu, waxaana laga lahaa dalka Masar, mana jirin wax khasaro ah oo ka dhashay marka laga reebo bur-bur ku yimi diyaaraddaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM