Doon sidey 49 tahriibeyaal ah oo xeebaha Yemen ku degtey

Image

February 3, 2015 (GO)- Ugu yaraan 35 qof oo tahriibeyaal ah ayaa lagu la'yahay xeebaha dalka Yemen kadib markii ay shalay oo Axad ahayd la degtey dooni yar oo ay ku safrayeen.

General Saleh al-Sabbari oo ah sarkaal ka tirsan ilaalada xeebaha Yemen ayaa wakaaladda wararka Yemen ee (SABA) u sheegay in lasoo badbaadiyey 13 qof oo kamid ah 49 qof oo doonta degtey saarnaa. Dadka la soo badbaadiyey oo midkood ay haweeney tahay, waxay isugu jiraan siddeed Ethiopian ah iyo shan Soomaali ah.

Gen. Sabbari ayaa sidoo kale sheegay in sababta doontaasi u degtey tahay bada oo kacsaneyd maadaama dabaylo xooggani maalmihii u dambeeyey Badda Cas ka dhacayeen. 

Kumannaan tahriibayaal ah oo ka tegey geeska Afrika ayaa sannad walba gaara xeebaha koonfureed ee dalka Yemen, iyagoo kaddibna usii ruuqaansada dhinaca waqooyiga, si ay ugu  tallaabaan Sucuudiga oo Yemen xuduud dheer laleh.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay in shantii sano ee ugu dambeeyey ay dalka Yemen gaareen in ka badan 500,000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ah Eritrean, Ethiopian iyo Soomaali.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM