​Doorashada Aqalka hoose ee Beelaha Banaadiriga iyo Somaliland oo ka furmayso Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa shaaciyay in Maanta ay ka furmayso magaalada Muqdishu Doorashada Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga iyo Somaliland.

Doorashada oo ka dhacaysa Xarunta Gaadiidka Booliska ee caasumadda Somalia, ayaa waxaa la filayaa in lagu doorto saddex kursi, oo ka mid ah Kuraasta Xubnaha Aqalka Hoose ee Beelahahaas ka heleen Barlamanka Federaalka dalka.

Banaadiriga ayaa la siiyay 5 Kursi, 3 kamid ah Maanta ayaa la filayaa in la doorto.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane, ayaa sheegay in xalay lagu qabtay Xarunta Gobolka Kulan amni, oo looga hadlayay sidii loo sugi lahaa amaanka inta ay socoto Doorashada.

Sidoo kale waxaa Muqdishu maanta ka billaabanayso Doorashada Xubnaha Labada Aqal (Aqalka Sare iy midka Hoose) ee beelaha  ka soo jeeda maamulka Somaliland.

Kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland ayaa loo kala qeybiyay sida hoos ku xusan;

Waqooyi Galbeed: 3 Kursi

Togdheer:  3 Kursi

Awdal: 3 Kursi

Sanaag: 2 Kursi

Waraaqda kuraastaas lagu qaybiyay oo kasoo baxday guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia, ayaa sidoo kale lagu muujiyay murashaxiinta booskaas u taagan.

Maamulka Somaliland, ayaa horay u qaadacay doorashada Somalia, iyagoo xusay inaysan matalin xubnaha ku sugan magaalada Muqdishu.

Doorashooyinka Aqalka hoose ayaa ka dhacaya xarumaha maamul goboleedyada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM