​Doorashada Aqalka Hoose ee Galmudug oo dib u billaabatay iyo Jeneral Gaafow walaalkiis oo la doortay

Image

CADAADO, Somalia- Waxaa maanta oo Khamiis ah dib u furmay goobaha codbixinta doorashada aqalka hoose magaalada Cadaado, oo xarunta KMG u ah maamulka Galmudug.

Kursiga ugu horeeyay  doorashadii saaka dhacday, waxaa kusoo baxay Cabdiqaadir Gaafow Maxamuud, oo la dhashay Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia Jen Cabdullaahi Gaafow Maxa'uud.

Cabdulqaadirka la doortay ee la dhashay Gaafoow, ayaa kamid ah qurba joogta Canada, waxaana Soo saaristiisa ka qayb qaatay Jenaral Gaafow, oo degmada Cadaado u yimid sidii u dhammayn lahaa booskaas isagoo galaan gal xoose ku sameeyay Ergada iyo beesha uu kasoo jeedo.

Codbixintii Shalay ee magaalada Cadaado, ayaa waxaa lagu doortay 8 Xildhibaan, oo ay ku jiraan Hogaamiye Kooxeed Bootaan Ciise Caalin iyo Wasiirkii hore ee Warfaahinta Somalia Mustaf Dhuxulow.

Doorashada aqalka hoose ee Galmudug ayaa waxaa hareeyay is-qab-qabsi iyo muqus-maasuq dhanka Kuraasta Baarlamaanka, taasi oo keentay in la xiro Wasiir iyo Saraakiil katirsan Galmudug.

Sidoo kale, waxaa magaalada Cadaado shalay lagu dilay Oday kamid ah Ergada Doorashada, waxaan dilkiisa sababay xiisado u dhaxeeyay beelo kamid ah kuwa u tartamaya Kuraasta Aqalka Hoose.

Doorashada Galmudug ayaa la sheegay inay ku gacan-sareeyaan Rag xulufo la ah Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxa'uud, kuwaasi oo kamidyihiin; Cabdulqaadir Gaafow, Mahad Salaad iyo Mustaf Dhuxulow.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM