Doorashada guddoonka barlamanka Jubaland oo la muddeeyey

Image

April 19, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa shaaciyey waqtiga ay dhici doonto doorashada hoggaanka barlamanka dhowaanta lasoo xuley ee Jubaland.

Axmed Madoobe oo shir-jaraa'id ku qabtey madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegay in doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeennadu dhici doonto April 25, 2015.

Madaxweynaha Jubaland wuxuu sidoo kale sheegay in doorashada lagu casumey wufuud ka socota beesha caalamka, wadamada deriska, Dowladda Federaalka iyo maamullada qaybta ka ah Dowladda Federaalka.

Dhanka kale, wuxuu dardaaran u jeediyey xildhibaannada dhowaanta la dhaariyey oo tiradoodu tahay 75 mudane, wuxuuna ku boorriyey inay waajibaadka saaran si daacad ah oo mas'uuliyadi ku dheehan tahay u gutaan.

Shaacinta waqtiga la qabanayo doorashada barlamanka Jubaland ayaa kusoo aadeysa xilli muran xooggani ka taagan yahay qaabka lagu qaybsadey xildhibaannada, beelaha qaar ayaa qaadacay xulista barlamanka welina xubnihii meteli lahaa aan keensan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM