Doorashada Somaliya oo dib u dhac lagu sameeynayo

Image
Image

MUQDISHU- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo kulanka Muqdishu uga socda madaxda Somalida ayaa sheegaya in jadwal cusub loo sameeyey doorashada Gudoomiyaha Barlamanka iyo Madaxweynaha  Somalia.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya kulankaan ayaa xusaya in muddo labo bilood ah dib u dhac lagu sameeyey waqtiga doorashada Gudoomiyaha Barlamanka iyo Madaxweynaha Somalia. 

Doorashada gudoomiyaha Barlamanka ayaa dhaceysa Oct17, 2016 halka doorashada Madaxweynaha Somalia la qaban doono 25 Oct 2016. 

Doorashada Xildhibanada labada aqal ayaa la qaban doona inta u dhexeysa labada maalmood ee laga cayimey Bisha Oct,2016 ee ku beegan sanadkaan dhamaadkiisa.

Tafaasiisha wararka ayaa ku soo bixi doonta warmurtiyeedka laga sugayo kulankaan. 

Weli ma cada sida laga yeelayo xilliga dhamaadey ee Dowlada kaasoo ku eg Bisha Sept horaanteeda balse warar ayaa sheegaya in Dowlada noqon doonto mid kmg ahaan xilka u sii hayn doonta.

Garoweonline.com kala soco wararka ka  soo kordha kulankaan.

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM