​Doorashada xubnaha Somaliland oo Muqdishu ka bilaabatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashada xubnaha Beelaha Somaliland u matalaya Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa dib uga billaabatay magaalada Muqdishu, kadib markii maalmo loo hakiyay Khilaaf iyo Faragelin.

Kulan shalay magaalada Muqdishu ku yeesheen Guddiga Doorashada Heerka Federaal iyo kuwa heer maamul goboleed [Somaliland], ayaa lagu go'aamiyay in dib loo billaabo Doorashada Aqalka hoose ee Beelaha Waqooyi.

Soo xulista xubnaha oo ka socoto xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada Cabdicaciis ayaa waxaa Guddiga Doorashada uu shaaciyay in maanta la dooran doono Lix Kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka hoose.

Waxaa soo idlaatay doorashada lixdaas kursi, waxaana kusoo kala baxay murashaxiinta kala ahaa;

Faadumo Ismaaciil, oo heshay 47 cod

Cusmaan Cilmi Boqore, oo helay 25 cod

Ismaaciil Cabdiraxmaan Bashiir, oo helay 33 cod

Qadro Maxa'ed Tukaale, oo heshay 25 cod

Suuri Diiriye Carab, oo heshay 38 cod

Cabdiraxman Axmed Suge, oo helay 24 cod.

Doorashadan, ayaa timi xilli aan wali lasoo dhammaystirin xubnaha ka imaanaya gobollada Waqooyi  xilli waqti loo asteeyay doorashada Somalia aan wali la caddayn maadam ay dib uga dhacday xilligii horay loogu asteeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM