Doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo, Baydhobo iyo Jowhar

Image

BAYDHOBO, Somalia - Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar ayaa ka socdo Doorashada xildhibaanada aqalka hoose iyo kan sare ee Baarlamaanka cusub Soomaaliya yeelan doonto.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta Ergada Doorashada doorteen Lix xildhibaan oo kala ah; 1. Sheekh Nuur Maxamed Xasan (51 cod) 

2. C/qaadir Sheekh Cali (50 cod)

3. Farxiyo Xasan Axmed (38 cod) 

4. Sacdiyo Muuse C/laahi (31 cod) 

5. Axmed Cusmaan Ibraahim (49 cod)

6. C/raaxmaan Kulmiye Xasan (38 cod).

Tirada ilaa iyo shalay lagu doortay Kismaayo waxay gaareysaa 13 Mudane, iyadoo Doorashada ay sii socon doonto ilaa laga dhamaystirayo 42 kursi ee Jubbaland ka heshay aqalkahoose.

Dhanka Baydhabo, waxaa ka socoto wajiga 2-aad ee doorashada aqalka hoose, waxaana maanta ergada doorteen 6 xildhibaan, oo qeyb ka noqon doono 69-ka Kursi ee Koonfur Galbeed ka imaan doonto. 

1. C/casiis Lafta-gareen (48 cod) 

2. Raabiyo Sheekh Nuurow 

3. Cali Cabdi Samaan (43 cod) 

4. Yacquub Cali Maxamed 

5. Samran Ibrahim Cumar 

6. Sandheere Maad Iftiin Shalay waxaa Baydhobo lagu doortay 7 Xubnood, oo uu ku jiro Gudoomiyaha xilka kasii degayo ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxa'ed Sheekh Cusmaan Jawaari. D

Dhanka kale, magaalada Jowhar waxaa maanta si rasmi ah ugu billowday Doorashada xubnaha aqalka sare, maadaam maamulka Hir-Shabeelle yahay mid cusub, oo wali dhismihiisa la dhamaystiran. 

Xildhibaanada maanta lagu doortay Jowhar oo gaareya 4, ayaa waxay kala yihiin; Muuse Suudi Yalaxow Prof Cusmaan Max'uud Dufle Cusmaan Axmed Macow Maxa'ed Xuseen Raage Hir-Shabeelle ayaa la filayaa inay Beri soo dhamaystirto Kuraasta Xildhibaanadeeda aqalka sare, kadibna gudagasho Doorashad aqalka hoose, si aan looga dib dhicin waqtiga Doorashada Madaxweynaha November 30.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM