​Doorashooyinka oo dib uga furmay Kismaayo, Baydhobo, Cadaado iyo Jowhar

Image

KISMAAYO, Somalia- Doorashooyinka Aqalka Hoose ayaa dib uga furmay Maanta magaalooyinka Cadaado, Kismaayo, Baydhobo iyo Jowhar, xilli ay jiraan dhaliilo lal xirrira Musuq-maasuq lagu sameynayo Kuraasta.

 Magaalada Jowhar waxaa 5 maalmood kadib saakay ka billowday Codbixinta Doorashada, waxaana Kursiga ugu horeeya kusoo baxay Maxa'uud Maxa'ed Jimcaale, waxaana dhiman 4 Kursi oo maanta la dooran doono.

Doorashada Koonfur Galbeed ee ka socoto Baydhabo waxaa guulaystay;

Saalim Caliyow Ibroow

Isgoowe Deerow

Cali Sheekh

Magaalada Cadaado waxaa la doortay Cabdiwali Qanyare Afrax, oo ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka uu Waqtigu ka dhammaadey.

Doorashada ka socota magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, waxaa kusoo baxay Xildhibaano uu kamid yahay Cali Cusmaan Xirsi.

Arrintan timid Xilli Qaramada Midoobay ay guddiga doorashada ku amartay inay dhaqso usoo afmeeraan doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose ee Barlamanka Federalka dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM