Doorka ciidanka Itoobiya ee "hurinta colaada Soomaaliya" oo la sharaxay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli uu sii karaar-qaadanayo cadaadiska la doonayo in ciidamadda Itoobya ee aan kamid ah AMISOM laga saaro Soomaaliya, kaalinta ay ku leeyihiin hurinta colaada gudaha waddanka ayaa la sharaxay.

Ciidamadan ayaa qeybtooda ugu badan waxay joogaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, halkaas oo ay faragelin "ujeedo siyaasadeed huwan" ay ka sameeyeen bilooyinkii lasoo dhaafay, taas oo si weyn looga digay.

Sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo xog-ogaal ah, boqolaal ciidamadaas kamid ah ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay lagu daabulay gobolka Gedo.

Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegtay in hadafka ciidankaas uu yahay in ay Jubbaland ka abuuraan xasilooni darro iyo "isku dirka beelaha".

Qoraalka madasha ayaa intaas raaciyey "in ay ka shaqeynayaan hurinta colaadda bulshooyinka walaalaha ah ee Gedo iyo qaybaha kale ee dalka".

"Itoobiya ayaa xeeladan adeegsaneysa sanadihii lasoo dhaafay si ay ugu kala qeybiso Soomaalida, ayna kusii jiraan dhibaatadda iyo dowlad la'aanta," ayay xuseen, iyaddoo tibaaxay in ay dalka ku leeyihiin "taariikh xun".

Warar milatari ayaa daaha ka rogaya in dowladda Farmaajo dooneyso in ciidamadaas u adeegsato howlgal qabashada gobolka Jubada Dhexe.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, si lamid ah goleyaasha amniga iyo nabadda ee UN-ka iyo Midowga Afrika ayay ugu baaqeen in ay dardargeliyaan ololaha ciidamadaas looga saarayo gudaha Soomaaliya.

Hogaanka Madasha ayaa ka cabsi in ciidamadaan loo adeegsato "afduubashadda" doorashooyinka soo aadan ee 2020-21, taas oo madaxda fadhisa Villa Soomaaliya "ay diidan yihiin" wadahadalo ay kala galaan saamileyda.

Doorashadda ayaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, hase ahaatee, waxaa la gelinayaa shaki sabab la xiriirta in madaxdu fulin aas-aasiyaadii sidda; shuruucda, amniga, xoreynta dalka iyo dhameystirka dastuurka.

Colaad-beeleedyadda oo qaybo kala duwan oo dalka ka tirsan laga soo wariyey tan iyo markii ay xafiiska yimaadaan madaxda hadda haysa talada dalka ayaa aalaaba wax-yeelo gaarsiiya rayidka si gaar ah caruur iyo haweenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM