Dowlad Dhiskii Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur
Garowe Online | Luulyo 2025 | Soomaaliya waxay muddo soddon sano ka badan ku jirtay dadaal dib loogu dhisayo dowlad qaran oo shaqeysa, balse maanta mashruucaasi wuxuu wajahayaa khatar. Halista kooxaha xagjirka ah, khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, hoos u dhaca taageerada caalamka, iyo kalsooni darrada laga qabo Villa Somalia ayaa keentey in dad badan ay su’aal geliyaan mustaqbalka dowladnimada dalka.
Puntland ayaa wajahaya laba kooxood oo argagixiso ah: Daacish oo ku dhuumanaysay buuraha bari, iyo Al-Shabaab oo ku sugan galbeedka. Muddo siddeed bilood ah, Puntland waxay la dagaallamaysay Daacish, iyadoo garab ka helaysa duqeymo ay fuliyeen Maraykanka iyo Imaaraadka. Mas’uuliyiinta Puntland waxay sheegeen in inta badan dagaalyahanadii Daacish la dilay, iyadoo kooxda lagu go’doomiyay buuro xiran. Madaxweyne Siciid Deni wuxuu rajeynayaa in Puntland laga sifeeyo argagixisada dhammaadka sanadka 2025.
Laakiin farqiga u dhexeeya Puntland iyo inta kale ee dalka ayaa si weyn u muuqda. Muqdisho waxay la daalaa dhaceysaa khilaafaad siyaasadeed, weerarro joogto ah oo Al-Shabaab ku hayso caasimadda, iyo taageero caalami ah oo sii yaraanaysa. Qaraxyo sanadkan lagu qaaday garoonka diyaaradaha iyo kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay muujinayaan in caasimaddu aysan ammaan ahayn.
Isbedelka lagu sameeyay dastuurka bishii Maarso 2024, kaas oo awood badan siiyay xafiiska madaxweynaha, ayaa si weyn u kala fogeeyay Villa Somalia iyo maamul goboleedyada. Puntland iyo Jubaland waxay u arkeen tallaabadaasi mid lagu wiiqayo nidaamka federaalka. Puntland waxay jartay xiriirkii rasmiga ahaa ee ay la lahayd dowladda dhexe muddo ka badan 15 bilood, waxaana ay xoojineysaa xiriirkeeda Somaliland.
Xaaladda Jubaland ayaa ka sii kulul. Dowladda Federaalka waxay diiday natiijadii doorashadii Axmed Madoobe, waxaana labadii dhinac ay is-weydaarsadeen amarro xarig ah. Duulimaadyadii tagi jiray Jubaland waa la joojiyay, maamulka Jubalandna wuxuu ku eedeeyay Villa Somalia in la xanibay dhaqaalihii loo qoondeeyay. Dhawaan, iska horimaad dhex maray ciidamada labada dhinac ayaa sababay dhimashada ugu yaraan shan qof.
Dhinaca taageerada caalamiga ah, Maraykanka ayaa hoos u dhigay kaalmadii uu siin jiray Soomaaliya — sanadkan laguma darin wax miisaaniyad ah oo loogu talagalay mushaharaadka Ciidamada, cunto iyo shidaal loogu talagalay ciidamada gaarka ah. Midowga Yurub, oo markii hore bixin jiray dhaqaalaha howlgalka nabad-ilaalinta, wuxuu la’yahay qorshe cad oo mustaqbalka. Dalalka Khaliijka sida Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa diiday codsi degdeg ah oo lagu dalbaday in ay bixiyaan taageero dhaqaale.
Marka laga eego gudaha Mareykanka, waxaa jira aragtiyo cusub oo sheegaya in Somaliland iyo Puntland ay yihiin amni oo ka la isku halleyn karo marka loo eego dowladda dhexe. Somaliland waxay si cad u dalbatay in Mareykanka uu ka dhiso saldhig ciidan xeebaha Badda Cas, iyadoo ay jirto rajada in taa beddelkeeda ay helaan aqoonsi madax-bannaani ah.
Dhanka kale, Al-Shabaab waxay si xowli ah uga faa’iideysaneysaa fursadda. Warar sirdoon ayaa muujinaya in kooxda ay xiriir la leedahay Xuutiyiinta Yemen, islamarkaana ay ka helayaan hub iyo tababar. Waxaa laga cabsi qabaa in kooxdu ay u sii dhowaato Muqdisho, iyadoo laga digayo in magaalada ay wajahdo weerarro culus haddii xaaladda hadda jirta ay sidani ku sii socoto.
Inkasta oo dalal sida Turkiga iyo Qatar ay ka hortagi karaan in Al-Shabaab la wareegto Muqdisho, haddana ma jiraan qorsheyaal muuqda oo wax ka baddali kara jihada ay dalku u socdo. Haddii ay sii socoto taageero la’aanta caalamka, daciifnimada dowladda dhexe, iyo kala fogaanta maamul goboleedyada, Soomaaliya waxay wajihi doontaa halis ay adkaan doonto in laga soo kabsado.
Maqaalkaan waxaa horey u qoray jariidada "The Economist" waxaana tarjumey warsidaha Garowe Online.