Dowlada Federaalka iyo Burundi oo heshiis kala saxiixday

Image

October 19, 2014 (GO)-  Magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi waxaa heshiis ku kala saxiixday madaxda dalkaas iyo wafdi ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh hogaaminayo maalmihii u dambeeyeyna dalka Burundi booqasho ku joogey.

Heshiiska oo shan qodob ka kooban, waxaa dhanka Dowlada Federaalka u saxiixay Wasiiru-dowladaha Arimaha Dibada halka Dowlada Burundi u saxiixay Wasiirka Arimaha Dibada.

1. In laga firiisado xiritaankii safaaradda Somalia ee Bujumbura iyo weliba sababaha keenay.

2. In la xoojiyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka iskaashi ee ka dhexeeya labada dhinac iyadoo la tixraacayo heshiis Dowlada Federaalka Somalia iyo Burundi wada gaareen sanadkii 2012.

3. In si wadajir ah loo baaro loogana arinsado kiisaskii la xiriiray kufsiga askar ka tirsan ciidamada Burundi ee AMISOM qaybta ka ahi  ka geysteen magaalada Muqdisho.

4. In Somalia iyo Burundi yeeshaan iskaashi dhaqaale oo baahsan gaar ahaan dhanka wax soo saarka wershedaha.

5- iyo in dhaqan-gelinta heshiiskan cusub labada dhinacba xil weyn iska saaraan iyadoo hirgelinta heshiiska dusha kala socon doonaan wasiirrada gaashaan dhigga iyo arimaha dibada ee labada dal.

Ra'iisul Wasaare Cabdiweli ayaa uga mahadceliyey dowlada iyo shacabka Burundi sida diirran ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen, isagoo dhanka kale ku bogaadiyey dowlada Burundi horumarka ballaanran ee ay ka samaysay dhanka ammaanka iyo hirgelinta dimuqraadiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM