Dowlada Federaalka iyo Burundi oo heshiis kala saxiixday

Image

October 19, 2014 (GO)-  Magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi waxaa heshiis ku kala saxiixday madaxda dalkaas iyo wafdi ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh hogaaminayo maalmihii u dambeeyeyna dalka Burundi booqasho ku joogey.

Heshiiska oo shan qodob ka kooban, waxaa dhanka Dowlada Federaalka u saxiixay Wasiiru-dowladaha Arimaha Dibada halka Dowlada Burundi u saxiixay Wasiirka Arimaha Dibada.

1. In laga firiisado xiritaankii safaaradda Somalia ee Bujumbura iyo weliba sababaha keenay.

2. In la xoojiyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka iskaashi ee ka dhexeeya labada dhinac iyadoo la tixraacayo heshiis Dowlada Federaalka Somalia iyo Burundi wada gaareen sanadkii 2012.

3. In si wadajir ah loo baaro loogana arinsado kiisaskii la xiriiray kufsiga askar ka tirsan ciidamada Burundi ee AMISOM qaybta ka ahi  ka geysteen magaalada Muqdisho.

4. In Somalia iyo Burundi yeeshaan iskaashi dhaqaale oo baahsan gaar ahaan dhanka wax soo saarka wershedaha.

5- iyo in dhaqan-gelinta heshiiskan cusub labada dhinacba xil weyn iska saaraan iyadoo hirgelinta heshiiska dusha kala socon doonaan wasiirrada gaashaan dhigga iyo arimaha dibada ee labada dal.

Ra'iisul Wasaare Cabdiweli ayaa uga mahadceliyey dowlada iyo shacabka Burundi sida diirran ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen, isagoo dhanka kale ku bogaadiyey dowlada Burundi horumarka ballaanran ee ay ka samaysay dhanka ammaanka iyo hirgelinta dimuqraadiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM

RW Xamsa: Shidaalka dalka Soomaaliya halis ayuu ku jiraa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah aysan hadda ka dib ahayn hadal kaliya.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:08PM