Dowlada Federaalka Somalia oo xirxirtey saraakiil ka tirsan ciidamada

Image

MUQDISHU March 6,2015 ( GO)- Dowlada Somalia ayaa xirxirtey saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka kuwaasoo loo haysto iney fududeeyeen weerarkii is-miidaaminta ahaa ee loo gaystey Hotelka SYL oo ku yaal magaalada Muqdishu.

Saraakiishaan oo tiradooda lagu sheegey Labo iyo Toban ayaa baaritaan ku socdaa kuwasoo lagu eedeeyey iney gacan siiyeen ururka Al-shabaab kadib markii baabuur qarax ka buuxo lagu dhuftey Hotelka SYL halkaaoso ay ku sugnaayeen wafti ka socda dowada Turkiga.

Weerarka lala beegsadey Hotelka SYL oo dhacey 22 January,2015 ayaa waxaa ku dhintey Sadex qof.

Waa markii ugu horeeysay saraakiil intaas tirdooda leegtahay loo xiro tuhun laga qabo iney gacan siiyeen ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Qaraxyada Is-miidaamiinta ah oo lala beegsado hotelada iyo goobaha kale ee dadka isugu yimaado ayaa waxaa la rumeysan yahay in ururka Al-shabaab tageero ka helaan qaar ka tirsan ciidamada amniga iyo shaqaalaha ka shaqeeya goobahaas.

Central Hotel weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ka dhacey Feb 20,2015 ayaa waxaa ka qayb qaatey gabar shaqaale ah oo haysatey dhalasho wadanka Holand halka tuhun wayn laga qabo ilaaladii ka shaqeyneysay goobtaas qayb ka ahayeen fududeynta qaraxaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM