Dowlada Kenya oo xireysa xerada qaxootiga Dhadhaab

Image

NAIROBI, April 11,2015 ( GO)- Dowlada Kenya ayaa hay'ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey "UNHCR" siisey muddo Sadex bilood ah iney ku xirto xerada qaxootiga Dhadhaab oo ku taal xadka u dhexeeya wadanka Kenya iyo Somalia.

Madaxweyne ku-xigeenka wadanka Kenya William Ruto oo maanta ka hadley halka la yiraahdo Nyeri ayaa xusey in dowladiisu wadahadal la yeelatey hay'ada UNHCR kana dalbatey in xerada qaxootiga dadka ku jira gabi ahaanba dib loogu celiyo wadanka Somalia.

Xerada Dhadhaab oo ku taal xadka u dhexeeya Kenya iyo Somalia ayaa ku sugan qaxooti Somali ah oo tiradoodu gaareyso 600,000 kuwasoo ka soo cararey dagaalada halakeeyey wadankaan ku yaal geeska Africa.

" Waxaan waydiisaney in muddo Sadex bilood ah lagu raro qaxootigaaan, hadii ay suuroobi waydo anagaa dib ugu celineyna wadanka Somalia, isagoo intaas ku darey sida wadanka Mareykanka isu badaley wixii ka dambeeyey 9/11 ayaa Kenya isu badaleysa weerarkii Gaarisa kadib" ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa hogaamiye-yaasha siyaasada ka codsadey in dagaalka lagula jiro argagixisada Al-shabaab aan la siyaasadeyn.

Go'aanka dowlada Kenya ayaa imaanaya maalmo kadib markii la xirey dhamaan shirkadihii xawilaada oo ka shaqeyn jirey guud ahaan wadanka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa horey u go'aansatey iney ka dhiseyso xadka Somalia darbi dhererkiisu yahay 700km kaas la sheegey in kooxda Al-shabaab lagu horjoogsan doono.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM