Dowlada Mareykanka oo raadineysa hogaamiyaha Alshabaab

Image

Mareykanka ayaa malaayiin dollar oo abaalmarin ah u ballan qaaday cidkastoo sheegta akhbaar ku saabsan meelaha ay ku dhuumanayaan hogaamiyayaasha kooxda Al-shabaab.

Abaal marinta waxaa ka mid ah lix milyan oo dollar oo loo ballan qaaday qofkii sheega meesha uu ku sugan yahay hogaamiyaha kooxda ee abu Cubeyda.

Kumannaan qof ayaa la sheegaa in ay ku dhinteen weerarada kooxda Alshabaab ay ka fulisay kudaha Soomaaliya.

Sidoo kale dad badan ayaa ku dhintay weeraro ay ka fuliyeen dalalka Kenya iyo Ugandha oo ciidamo ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Lixdan xubin ee la doondoonaayo waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weeraro uu ka mid yahay kii jaamacadda Garisa ee bishii April.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxa ay sheegeysaa in raggan ay ka dambeeyaan bixinta dhaqaalaha, shaqaaleysiinta iyo tababaridda xubnaha kooxda.

Abaalmarinta ugu badan waxaa la dulsaaray hogaamiyaha kooxda Abu Cubeyda.

Ninkan ayaa hogaamiyaha kooxda noqday markii la dilay sanadkii hore, hogaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Godane, oo ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha droneska Mareykanka ka fuliyeen soomaaliya.

Abu Cubeyda ayaa ku guuleystay in kooxda aysan ka go’in Al-Qacidda oo ay daacad u sii ahaadaan, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in garab ka mid ah uu ku biiray kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM