Dowlada Somalia oo baareysa qaraxa diyaarada Daalo

Image

MUQDISHU: Baarayaal ayaa eegaya sababta keentey qarax god balaaran ka sameeyey dhinaca diyaarada rakaabka Daalo taasoo daqiiqado kadib deg dge dib ugu noqotey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdishu.

Qof ku ah khabiir cilmiga duulimaadyada oo arkey sawirka godka ka dalooshamey diyaarada ayaa AP u sheegey in qarax lagu xirey halkaas u eg yahay daloolka muuqda.

Diyaaradaan oo ay leedahay shirkada Daalo oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee wadanka Imaraadka Carabta ayaa ku wajahneyd wadanka Djabouti markii qaraxaan haleeley iyadoo dib ugu soo noqotey magalaada Muqdishu.

"Waxaan u maleynayaa inuu ahaa qarax lagu rakibey halkaas" sidaas waxaa yiri Vladimir Vodopivec, 64, duuliyihii diyaarada oo dhalshadiisu aheyd wadanka Serbia mar uu la hadley jariidada la yiraahdo Belgrade daily Blic.

"Nasiib wanaag waxba ma gaarin halka laga hago diyaarada taasoo ii sahashey in aan diyaarada dib ugu soo celiyo garoonka Muqdishu" ayuu yiri Vodopivec oo la sii hadlaya saxaafada.

Sarakiisha dowlada Somalia ayaa sheegey ineysan helin wax tilmaamaya qarax lagu rakibey halkaas iyaga oo qorsheynaya in warbixin ka soo saaraan arintaan asbuuca soo socda.

John Goglia oo ka tirsanaan jirey dowlada Mareykanka hay'adeeda duulista ayaa sheegey in arinkaan uu noqon karo labo arimood; In qarax lagu xirey uu sababey daloolka ka muuqda dhinaca diyraada ama in qolofka diyaarda uu noqdey mid daaley oo aan helin gacan ku hayntii uu u baahnaa.

Ururka Al-shabaab ayaa isagu sheegan sababta qarxaan iyadoo dadka la socda arrimaha amniga Somalia shaki ku abuurtey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM