Dowlada Somalia oo rabta in Barlamanka la horgeeyo qaabka doorasho ee 2016

Image

MUQDISHU,Somalia- Wararka aan ka heleyno kulanka uga socda magaalada Muqdishu madaxda Dowlada Somalia iyo madaxweynayasha maamulada qaybta ka ah Federaalka ayaa sheegaya inuu jiro farqi ah qaabka loo ansaxinayo nidaamka doorashada dhaceysa sanadkaan bartamihiisa.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynayasha maamulada Somalia ku qanacsan yihiin heshiiskii maamulka Puntland ku ogaaladey  nidaamka 4.5 kaasoo sheegayay in xulista xidhibanada Barlamanka Somalia ka dhaceyso magaalo madaxyada dowladaha qaybta ka ah Federaalka.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo gudoomiyaha Barlamanka Federaalka ayaa aaminsan in qaab walba ee loo marayo soo xulista Xildhibanaada Somalia la horgeeyo aqalka Barlamanka Somalia si uu sharci uga dhigo looguna dhaqmo.

"Kooxda siyaasadda ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wel wel wayn ka qaba in madaxweynayasha maamulada soo xuli waayaan xildhibaano codka siiya Xasan Sheekh marka la gaaro doorashada halka Gudoomiyaha Barlamanka diidan yahay awooda madaxweynaha Koonfur Galbeed u helayo xulista mudanayasha labada aqal ee Barlamanka" sidaas waxaa u sheegey GO mid kamid ah wufuuda ka qayb galeysa kulamadaas oo diidey magaciisa xaalada oo xasaasi ah.

Dhowaan ayey aheyd markii kulan magaalada Garowe ku dhexmaray wafti uu hogaminayey Ra'isal wasaaraha Somalia iyo Puntland heshiis ku gaareen qaabka loo marayo nidaamka doorasho ee Somalia dabayaqada sanadkaan 2016 taasoo Puntland ku aqbashey ku dhaqanka nidaamka 4.5.

Heshiiskaan ayaa sheegayay in xulista xubnaha Barlamanka Federaalka aqalka sare iyo Hoose ay ka dhaceyso magaalo madaxyada maamulada qaybta ka ah Dowlada Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM