Dowlada Somalia oo rabta in Barlamanka la horgeeyo qaabka doorasho ee 2016

Image

MUQDISHU,Somalia- Wararka aan ka heleyno kulanka uga socda magaalada Muqdishu madaxda Dowlada Somalia iyo madaxweynayasha maamulada qaybta ka ah Federaalka ayaa sheegaya inuu jiro farqi ah qaabka loo ansaxinayo nidaamka doorashada dhaceysa sanadkaan bartamihiisa.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynayasha maamulada Somalia ku qanacsan yihiin heshiiskii maamulka Puntland ku ogaaladey  nidaamka 4.5 kaasoo sheegayay in xulista xidhibanada Barlamanka Somalia ka dhaceyso magaalo madaxyada dowladaha qaybta ka ah Federaalka.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo gudoomiyaha Barlamanka Federaalka ayaa aaminsan in qaab walba ee loo marayo soo xulista Xildhibanaada Somalia la horgeeyo aqalka Barlamanka Somalia si uu sharci uga dhigo looguna dhaqmo.

"Kooxda siyaasadda ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wel wel wayn ka qaba in madaxweynayasha maamulada soo xuli waayaan xildhibaano codka siiya Xasan Sheekh marka la gaaro doorashada halka Gudoomiyaha Barlamanka diidan yahay awooda madaxweynaha Koonfur Galbeed u helayo xulista mudanayasha labada aqal ee Barlamanka" sidaas waxaa u sheegey GO mid kamid ah wufuuda ka qayb galeysa kulamadaas oo diidey magaciisa xaalada oo xasaasi ah.

Dhowaan ayey aheyd markii kulan magaalada Garowe ku dhexmaray wafti uu hogaminayey Ra'isal wasaaraha Somalia iyo Puntland heshiis ku gaareen qaabka loo marayo nidaamka doorasho ee Somalia dabayaqada sanadkaan 2016 taasoo Puntland ku aqbashey ku dhaqanka nidaamka 4.5.

Heshiiskaan ayaa sheegayay in xulista xubnaha Barlamanka Federaalka aqalka sare iyo Hoose ay ka dhaceyso magaalo madaxyada maamulada qaybta ka ah Dowlada Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM