Dowlada Somaliland oo xabsiga u taxaabtey Fanaaniin

Image

Waxaa maanta lagu xidhay gegida dayuuradaha ee cigaal ee magaalada Hargeysa afar fanaan oo ka tirsan fanaaniinta xiddigaha geeska iyagoo ka soo laabtay Muqdisho oo bandhig faneed ay ka soo dhigeen maalmaha ciidda .

fanaanada khadra sinimoo waxay BBC u sheegtay in fanaaniinta Xamda Quen ,Nimcaan Hillaac , Maxamed Axmed Bakaal , iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi {Oday} ay ciidamda boliiska hargeysa ka qabteen maanta markii ay ka soo degeen diyaarad ay ka soo raaceen magaalada muqdisho .

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arimaha gudaha somaliland Axmed Cadare ayaa isna BBC u sheegay in fanaaniintan loo xidhay-siduu hadalka u dhigay- barnaamijyo liddi ku ah madaxbanaanida somaliland oo ay muqdisho kaga soo
qayb galeen iyaoo buu yidhi shaqaale ah ka tirsan wasaaradda warfaafinta somaliland .

XIGASHO:BBC

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM