Dowlada Somaliland oo xabsiga u taxaabtey Fanaaniin

Image

Waxaa maanta lagu xidhay gegida dayuuradaha ee cigaal ee magaalada Hargeysa afar fanaan oo ka tirsan fanaaniinta xiddigaha geeska iyagoo ka soo laabtay Muqdisho oo bandhig faneed ay ka soo dhigeen maalmaha ciidda .

fanaanada khadra sinimoo waxay BBC u sheegtay in fanaaniinta Xamda Quen ,Nimcaan Hillaac , Maxamed Axmed Bakaal , iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi {Oday} ay ciidamda boliiska hargeysa ka qabteen maanta markii ay ka soo degeen diyaarad ay ka soo raaceen magaalada muqdisho .

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arimaha gudaha somaliland Axmed Cadare ayaa isna BBC u sheegay in fanaaniintan loo xidhay-siduu hadalka u dhigay- barnaamijyo liddi ku ah madaxbanaanida somaliland oo ay muqdisho kaga soo
qayb galeen iyaoo buu yidhi shaqaale ah ka tirsan wasaaradda warfaafinta somaliland .

XIGASHO:BBC

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM