Dowladda Federaalka oo ka warbixisey khasaarihii weerarka

Image
Image
Image
Image

March 28, 2015 (GO)- Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay weerar qaatey muddo 15 saac ku dhow oo Al-shabaab kusoo qaaddey hoteelka Maka Al-mukarrama ee magaalada Muqdiso.

Wasiirka oo saxaafadda la hadlay waxyar kaddib markii uu soo gaba gaboobey hawlgalkii ciidamadu kula dagaalamayeen kooxdii weerarka soo qaaddey, wuxuu sheegay inay dhinteen 20 qof oo isugu jira todoba rayid ah, saddex kamid ahayd ilaalada hoteelka, afar askari iyo lix kamid ah kuwii weerar fuliyey.

Marka laga yimaado sheegashada dowladda ee ah inay dishey lix kamid ah kooxdii weerarka fulisey, waxaa warbaahinta loo soo bandhigey meydadka saddex kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab ee hoteelka Maka Al Mukarrama soo weeraray.

Wasiirka Wafaafintu wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanku soo badbaadiyeen in ka badan konton qof oo isug jirey mas'uuliyiin dowladda ka tirsan, dad kale oo hoteelka degenaa iyo qaar kamid ah shaqaalihii hoteelka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Charles King

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-10-2025

  • 11:06AM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay heshiis qarsoodi ah la gashay Sweden

Beenintan ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka Gaashaandhigga Sweden, Pål Jonson, uu booqasho ku joogo Muqdisho shalay.

  • Soomaliya

    08-10-2025

  • 02:08PM