Dowladda Federalka oo lagu wareejinayo maamulka hawada Somalia

Image

MUQDISHU- Waxaa magalada Muqdishu xarunta Somalia la gaarsiiyay qayb kamid ah qalabka lagula socda hawada Somalia, kaasi oo laga soo qaaday dalka Kenya gaar ahaan Nairobi, waxaana la filayaa in maalinta Isniinta ee soo socota lagu wareejiyo wasaaradda gaadiidka.

Danjiraha Somalia ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa tilmaamay in arrintan muddo kasoo shaqaynayeen, isagoo intaasi raaciyay in ku dhawaad 30 sano ay tahay markii ugu horraysay ee qalabkan Somalia la keeno.

Jamaal ayaa xusay in qorshaha xiga noqonayo sidii Somalia loogu wareejin lahaa maamulka Hawada Somalia oo hadda xukunto hay'adda Qaramada Midoobay katirsan oo lagu magacaabo ICAO.

“Qalabkan wuxuu ka kooban yahay Computero iyo adeegii saadaasha hawada oo markii u horeysay Soomaaliya la keeno, waxaa gacan naga siiyay IGAD iyo Hey’adda ICAO, dowladda Soomaaliya waxay la soo wareegi doontaa inta ka hartay maamulka Hawada Soomaaliya," Ayuu yiri Amb. Jamaal.

Wuxuu intaasi ku daray in dhawaan la keeni doono Raadaar lagula socon doono diyaaradaha isticmaalaya hawada Somalia, isagoo intaasi raacshay inay tani sahlayso in Somalia awood u yeelato maamulka hawadeeda.

Qorshaha lagu wareejinayo maamulka hawada Somalia, ayaa muddo soo socday, waxaana laga yeeshay shirar badan, balse go'aanka lagu wareejinayo waxaa ka biyo diiday Somaliland oo sheegatay inay tahay maamul ka madax banaan xukunka dowladda Federalka Somalia iyagoo sheegtay inay hawadooda u madax banaanyihiin.

Hay'adda ICAO, ayaa tan iyo 1991 gacanta ku haysay maamulka hawada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM