​Dowladda Masar agab ciidan ugu deeqday Somalia [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Masar ayaa xukuumadda Somalia ku wareejisay gaadiid ciidan iyo agab kale oo Military kuwaasoo loogu talo galay in lagu qalabeeyo ciidamada xogga dalka Somalia.

Munaasabad lagu wareejinayay agabkaasi, waxaa kasoo qayb galay wasiirka wasaaradda Gaashaan-dhigga Somalia, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo mas'uuliyiin kasocota dowlwadda Masar.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia Maxamed Aadan Axmed, ayaa u mahadceliyay xukuumadda fadhigeedu yahay Qaahira wuxuuna sheegay in deeqdan wax ka badali doonto saanadda ciidanka Somaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, ayaa dhankiisa xusay inay tahay wax lagu farxo tallaabada ay ku dhaqaaqday dowladda Masar, wuxuuna usoo jeediyay inay joogteeyaan kaalamadan oo kale.

Saraakiisha ciidamada ayuu ka codsaday inay ilaaliyaan hantida lagu wareejiyay islamarkaana geeyaan goobaha baahidu ka jirto.

Mas'uul u hadlay dowladda Masar ayaa goobta ka sheegay in deqdan aysan noqon doonin tii ugu dambaysay balse rajaynayaan inay ahaato mid koowaad isagoo carrabka ku dhuftay inay soo wadaan deeqo kale.

Dhawaan ayay ahayd markii taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia uu tagay magaalada Qahir isagoo lasoo kulmay mas'uuliyiinta waddankaas gaar ahaan hogaanka ciidamada, waxayna ka wada hadleen qaabkii loo qalabayn lahaa ciidamada dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM